Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xiisad ka taagan Marko & beel kale oo ku biiri karta dagaalkaasi

Magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada beesha Habar-gedir oo dagaal kaga saaray gudoomiyihii degmadaasi iyo ciidamadii daacada u ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in laga baqayo in dhinacyadii dagaalamay ay markale ku dagaalamaan magaaladaasi, maadaama wafdi cusub maanta ay gaareen magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wafdiga maanta gaaray magaalada Marko ayaa waxaa kamid ah madaxweynaha maamulka Shabeele State Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi, iyo ku xigeenkiisa, wuxuuna isagoo ka hadlay ujeedada ay Marko u gareen ku sheegay qiimeynta goobihii lagu dagaalamay.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ayaa aad kaga soo horjeeda Beesha Biimaal waxaana marar badan uu gudoomiyaha degmada Marko oo beeshaasi kasoo jeeda ku sheegay inuu ALshabaab xiriir la leeyahay.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ayaa kasoo jeeda beesha Abgaal oo qeybo kamid ah gobolkaasi Degta.

Sidaasi ayaa waxaa looga baqayaa in maanta xiisada ka taagan degmadaasi ay sababto dagaalo ka dhaco magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

C

Somalimedia

Xafiiska Marko

Email : info@somalimedia.co.uk

Tadalis SX online, buy dapoxetine online.

You must be logged in to post a comment Login