Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xiisad kacsanaan ah oo ka taagan Burco iyo guddoomiye la xabisay

Waxaa kacsan xiisadda magaalada Burco ee gobalka Togdheer kadib markii gurigiisa laga la baxay ciidanka nabad sugidda ee maamulka Somaliland.

Ciidamad Nabad Sugidda maamulka Somaliland ayaa guriigisa xalay kala baxay guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobalka Togdheer.

Ilo ku sugan Somaliland ayaa u sheegay wakaaladda wararka Warqaad in xaaladdu ay tahay mid xun isla markaana guddooomiyihii hore ee Togdheer la garanaynin meel lagu xiray.

Guuleed Daahir Samatar ayaa guri uu ku leeyahay magaalada Burco ay kala baxeen ciidamo ka amar qaata maamulka Somaliland iyadoo meel ay ku xireen aan la ogeyn.

Guddoomiye ku xigeenkii Togdheer Guuleed Daahir waxa xarigiisa keenay ilaa hadda lama garan karo hayeeshee Ilaha la hadlay wakaaladda Warqaad waxa ay sheegayaan in Guuleed uu si weyn uga soo horjeeday siyaasadda maamulka Somaliland oo maalmihii dambe dhiiqo lugaha la sii galayay.

You must be logged in to post a comment Login