Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xiisad maanta ka taagan Baardheere.

February 14, 2019 164 Views

Baardheere-KNN-Wararka ka imaanaya Gobalka Gedo ayaa sheegaya in maanta xiisad u dhexeysa Gudoomiyaha iyo ku xigeenka degmada Baardheere  ay ka taagan tahay degmadaasi.

Xiisadan ayaa timid kadib markii Shalay uu Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan uu Magacaabay gudoomiyihii hore ee Maamulka Degmada Baardheere, waxaana arintaasi  ka carooday gudoomiye ku xigeenkiisa.

Shalay ayaa la sheegay in Gudoomiye ku xigeenka degmada uu la wareegay degmada Baardheere, taasi oo keentay in xiisad ay ka dhalato arintaasi.

Cabsi badan ayaa Maanta soo wajahday shacabka ku nool degmada Baardheere ee Gobalka Gedo.

Mana jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jubbaland, kaasi oo ku aadan in xal waara laga gaaray xiisada u dhexeysa Labada Masuul.

You must be logged in to post a comment Login