Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xiisado colaadeed oo saaka ka taagan deegaanka Kulbiyow

Wararka ay ka heleyso wakaaladda wararka Warqaad.so deegaanka Kulbiyow ee gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan kuwaasoo ka soconaya deegaankaasi Kulbiyow.

Kulbiyow waxaa ku sugan ciidanka maamulka Axmed Madoobe iyo kuwa AMISOM ee ka socda dowladda Kenya.

Dhaq-dhaqaaqyada waxaa wada ciidanka maamulka Jubba iyo kuwa Kenyaatiga ah waxaana sidoo kale duuleedka deegaanka Kulbiyow isku uruursanaya Alshabaab oo wararka qaar ay tilmaamayaan inay a baxayaan halkaasi.

Dad ku sugan Kulbiyow ayaa sheegay in laga cabsi qabo dagaal ka dhaca Kulbiyow maadaama ciidamadu ay ishor-fadhiyaan.

You must be logged in to post a comment Login