Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xil. Ilhaan Cumar oo ka hor-timid qorshe Mareykanku ku soo musaafurinayo dad Soomaaliyeed

 Sep 13, 2020

 0

Muqdisho-KNN-Xildhibaanka xisbiga dimuquraadiga ah ee dalka Mareykanka Ilhaan Cumar ayaa laanta Socdaalka iyo Kastamka Maraykanka ku dhaleeceysay sababa la xiriira suura-galnimada in dalkaas laga soo masaafuriyo muwaadiniin Soomaaliyeed.

Dadkaas waxaa la sheegay in si sharci darro ah ay ku joogaan dalka Maraykanka, balse dib u soo celintooda waxaa si weyn uga soo hor jeesatay xildhibaan Ilhaan Cumar.

“Laanta socdaalka ayaa lagu wadaa inay tobanaan shaqsiyaad ah ka masaafuriso Minnesota, iyagoo qatar u ah faafitaanka COVID-19 ee Soomaaliya,” ayey barteeda Twitter-ka ku qortay Ilhaan Cumar.

Waxay sheegtay in falalka musaafurinta aysan khatartoodu ku koobneyn shakhsiyaadka lagula kacayo, balse ay cawaaqib fog ku yeelan karto dalka Soomaaliya.

Maxaabiista nugul cawaaqibka ugu xun ee musaafurintoodu keeni karto waxay macno ahaan noqon kartaa nolol iyo geeri, sida  ay Dimuqraadiyiintu ku sheegeen warqad ay u direen waaxda amniga gudaha Mareykanka oo ku saabsan faafitaanka fayraska Corona ee xarumaha dadka lagu-hayo.

You must be logged in to post a comment Login