Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xil ka qaadis hor leh

Warar aan helnay ayaa xaqiijinaya in dawlada federaalka Somaliya shaqada ka ceyrisay Taliyihii guutada Afaraad ee ciidanka Xoogga dalka Somaliya iyadoo shakhsi kale xilkaasi loo magacaabay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Somaliya xafiiskiisa digreeto kasoo baxday ayaa waxa xilka looga qaaday Taliyihii guutada Afaraad ee ciidanka Xoogga dalka Somaliya Cabdulle Maxamed Xasan (Cabdulle dheere) iyadoo lagu badalay Maxamed Maxamuud Yabaroow.

Si rasmi ah looma shaacin waxa xilka qaadista Cabdulle dheere soo dedajisay waxaase wararka qaar ay sheegayaan in maalmihii dambe ay socotay qorshe la iskugu shaan dheeynayo ciidanka Xoogga dalka hogaankiisa si amaanka waddanka isbadal muuqda loogu sameeyo.

Saraakiil badan oo ciidanka Xoogga ku jira ayaa laga yaabaa inay xilalkooda ku waayaan isbadalkaan socda waxaana mid walbo uu ku dadaalayaa inuu shaqo ka badan intuu hayey qabto si aysan seefta socoto hore uqaadin.

You must be logged in to post a comment Login