Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xil. Sandheere: CCC Tuur Warqadihii hore kuwo Cusubna Keenso!

Xildhibaan Cabduqaaadir Maxamed Sandheere oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan xubno ka mid ah wasiiradii dib loola laabtay oo haatan xildhibaanada ka dhex wada qorshe uu sheegay in ay kula leexinayaan, ayna isku dayayaan in mowqifkoodii hore ay ka weeciyaan.

Mudanaha ayaa sheegay in hadii hadda xubnahaan magaalada waxa ay ka wadaan aysan joojin, wasiiradana lagu soo daro shaqsiyaad uu ku sheegay in markii horeba ay xukuumadda ka socon weysay, in iyaguna ay taagnaan doonaan meeshii hore ee ay joogeen.

Xildhibaan Sandheere ayaa sheegay in ka shaqsi ahaan kula talin lahaa Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid in uu Jeex Jeexo warqadaha Liiska wasiiradii uu horay usoo magacaabay islamarkaana uu bilaabo kuwo cusub.

“Waxaan oran lahaa Ra’iisul wasaaraha, waraaqaha jeex jeex, kuwo cusub bilaaw, wadatashiga aad tiri shacabka iyo xildhibaanada la galayaa bilaaw, nimankaan magaalada oradaya hadii aad adiga soo dirsatay celi, hadii aadan soo dirsanna inta fariisiiso ku dheh ilaa aan sheego qofka magacaaban ka fariista dadka” ayuu yiri xildhibaanka

buy Super Kamagra, cheap zithromax.

Dhanka kale xildhibaan Sandheere ayaa meesha ka saaray in shaqsiyaad gaar ah ay iyagu bartilmaameedsaneyn, hase ahaatee waxa ay ka talinayaan ay tahay aayaha iyo mustaqbalka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul waaarah Soomaaliya ayaa qabsaday muddo 14-cisho ah in uu kusoo dhiso xukuumad cusub, ka dib markii uu dib ula laabtay wasiiro uu horay usoo magacaabay.

You must be logged in to post a comment Login