Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaan Abdulqadir Sandheere oo dhalilay Xukumada Cusub

 Iyadoo ay weli jiraan dhaliilo loo jeedinaayo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, ayaa waxaa isa soo taraaya Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Somalia ee ka horimaanaaya Xubnihii Habeenimadii xalay kamid noqday Golihii Wasiirada.

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Aadan oo ka mid ah Mudanayaasha BF Somalia, ayaa sheegay inay soo badanayaan Xildhibaanada BF, ee labadii maalin ugu dambeeyay ka biyo diidan magacaabidda Golaha Wasiirada ee uu soo xulay R/W CCC.

Xildhibaanka oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Waxaa soo badanaaya Xildhibaanada ka soo horjeeda Wasiirada la magacaabay, maxaa yeelay waxaa la soo celiyay Wasiiradii markasta khilaafka Madaxda Dowladda horseedaayay”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa “Xukuumad waxaa weeye khilaafkii nimankii bilaabay Xukuumaddii Saacid iyo Xukuumaddii C/weli, ay ku jiraan.” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan C/qaadir Maxamed Aadan ”Sandheere”.

“Xukuumad hal xisbi ka kooban weeye, maaha Xukuumad dalka matali karta. Waa niman isku tol ah, niman isku qabiil ah kama wado, waa niman isku koox ah.”

cheap clomid online, order clomid.

“Maaha wax cuntami kara waxa uu xalay keenay Ra’iisal Wasaaraha. Wixii uu xalay ku hadlay maaha wax fiican, wuxuu is lee yahay dadka waad ku siri kartaa, laakiin maaha.” Ayuu yiri Sandheere.

You must be logged in to post a comment Login