Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Sheegay in Kismaayo La Haysto Soomaaliyana aysan Gacanta Ugu Jirin

Dhageyso: Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Sheegay in Kismaayo La Haysto Soomaaliyana aysan Gacanta Ugu Jirin
Posted on April 4, 2013

Xildhibaan C/qaadir Maxamed Aadan (San-dheere) ayaa sheegay in magaalada Kismaayo aysan Soomaaliya haatan gacanta ugu jirin waxuuna sheegay loo baahan yahay in Kismaayo gacanta lagu soo celsho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaanadii shalay gaaray magaalada Kismaayo ay yihiin rag hal beela aysana matalin gobolada jubooyinka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaanada gaaray magaalada Kismaayo ay intoo badan ka yimaadeen Nayroobi waxxuuna sheegay in xildhibaanada gaaray Kismaayo ay Soomaali dumis yihiin waxuuna sheegay in ay ka amar qaataan wadanka Kenya.

San-dheere ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu u shaqeeyo wadamo shisheeyo uusana rabin Soomaalinimo waxuuna tilmaamay xildhibaanku in Dowladda Soomaaliya ay og tahay dadka Kismaayo dhibaatada kawada.

Waxaa isi soo tarayay eedeymaha loo jeedinayo shirka maamul u sameynta jubaland hase yeeshee eedeymaha loo jeedinayo shirkaasi ayaa waxaa iska indha tiraya qaban qaabiyaasha shirkaasi.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

You must be logged in to post a comment Login