Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaan Xaabsade oo maanta aas ballaaran loogu sameeyay Magaalada Baydhabo

clomid for sale, lioresal online. Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay loo qaaday meydka Xildhibaan Maxamed Ibraaim Xaabsade, oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Marxuumka, ayaa Axadii shalay ku geeriyooday Isbitaalka DEVA ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii habeenkii Sabtida lagula cararay, xilli xanuun soo booddo ah uu ku dhacay.

Aaska marxuumka loogu sameeyay Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa ka qaybgalay tiro ka mid ah Golahii Wasiirada ee Xukuumaddii C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda qaarkood.

Boqolaal ruux oo ka mid ah bulshada ku nool Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo, ayaa waxay maanta buuxiyeen afaafka hore ee Garoonka Shaati Gaduud, si ay uga qaybgalaan aaska Xildhibaanka Xaabsade.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Mudanaha ka tirsan Baarlamaanka Federalka Somaliya.

“Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda Soomaaliya, waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timi Allaha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo shalay ku geeriyooday Muqdisho. Waxaan Illaah uga baryayaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii, ehelkii iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka tegay.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.

Waxa kaloo uu yiri “Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Xaabsade waxa uu u soo shaqeeyey qaranka Soomaaliyeed xilliyo duruuftoodu kala duwan tahay, waxana uu ahaa nin si weyn u rumaysan Soomaaliya oo nabad ah oo horumartay, dadkeeduna ku nool yihiin midnimo, caddaalad iyo barwaaqo. Waxa uu ahaa geesi aan aragtidiisa la gabban oo dood-yaqaan ah marka lagu jiro baarlamanka iyo xilliyada kale ee laga hadlayo arrimaha Somaliya.”

You must be logged in to post a comment Login