Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta su’aalo weydiinaya mas’uuliyiinta hay’adaha Amniga dalka

SOMALI NEWS

Apr 14, 2019

 0S

Muqdisho–Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay dood kulul uga socotaa xaruntada Golaha Shacabka , iyagoona Su’aalo lagu weydiinayo Wasiirada Amniga, gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha ciidamada.

Inta madaxda Hay’adaha amniga ayaa waxaa wax laga weydiinayaa xaalada amaan ee Magaalada Muqdisho, waxaana la soo warinayaa in su’aalaha ugu badan la weydiinayo taliye Ku xigeenka Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin.

Kulanka ayaa waxaa uu ku furmay 150 mudane ,waxaana Shir Guddoominaya kulanka guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, isagoona Xildhibaanada u sheegay in Su’aalo weydiinta ay ku egtahay mudo Hal daqiiqo ah halka jawaabaha mas’uuliyiinta ay heystaan Saddex Daqiiqo sida ay KNN u sheegeen xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka.

Mudnayaasha Golaha Shacabka ayaa maanta soo xaadiray kulanka Xildhibaanada ,waxaana Saxafadda ay ka tahay mid dibad-joog ah,waxaana markii ugu horeysay goobjoog ka ah kulanka Golaha shacabka ku simaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Warar qaar  ayaa sheegaya in Taliyeyaasha ciidamada wax laga weydiiyay Xariga  Mukhtaar Roobow Abuu mansuur, inkastoo aan faahfaahin toos ah laga helin Jawaabihii ay ka bixiyeen.

You must be logged in to post a comment Login