Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaanada ka tirsan KG ee jooga Muqdisho oo iska fogeeyay eed loo jeediyay.

Muqdisho-Ilyaas Xasan Cali oo ka mid ah Xildhibaanada  Baarlamaanka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa uu ka jawaabay eed kaga timid Odayasha dhaqanka ee ku sugan Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Xildhibaanka ayaa waxaa uu iska fogeeyay eeda loo jeediyay, taasi oo ku aadaneed in ay dowlada dhexe u yeertay, islamarkaana ay dhibaato ka wadaan doorashada Madaxtinimada ee  Maamulka Koofur Galbeed.

Sidoo Kale Xildhibaanka ayaa waxa uu tilmaamay in Muqdisho uu ku casuumay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan, islamarkaana wax dhibaato aysan wadin Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Shalay ayay aheyd markii odayaasha Dhaqanka ee ku sugan Magaalada Baydhabo ay dib u dhigeen doorashada Maamulka Koofur Galbeed, iyagoona u sababeeyay faragelin ay sheegeen in dowlada dhexe ay ku hayso Doorashada Maamulkaasi, islamarkaana xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka ay isugu geysay Magaalada Muqdisho, taasina ay dhibaato ka dhalan karto.

You must be logged in to post a comment Login