Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaanada oo Codsigii Ra”iisul Wasaaraha Meel Mariyey

Kadib Markii uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya ay Dhamaaday Waqtigii ay Golaha Baarlamaanka u Qabteen in uu Xukuumadiisa kusoo Dhiso Golahiisa Wasiirada ayaa wuxuu Maantay mar kale ka Codsaday in 10 Maalin loogu Daro.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Isla Markii ay Soo Gaartay Warqadii ka Timid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa waxaa ay u Codeeyeen Codsigii ka Yimid Ra’iisul Wasaaraha in muddo tobon cisho ah loogu darro soo dhisidda golaha Wasiirrada cusub ee Xukuumadda.

Maxamed Cismaan Jawaari ayaa Xildhibaannada u akhriyay warqad codsi ahayd oo ka timid R/wasaaraha taasi oo ku saabsanayd in muddo toban cisho ah la siiyo si uu u soo dhiso Xuukuumad tayo leh, islamarkaana uu u horkeeno baarlamaanka, waxaana kulankii maanta goob joog ka ahaa185 mudane Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar iyo Ku-xigeenka labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Gaba gabadii ayaa Xildhibaannadu waxa ay cod u qaadeen codsiga R/wasaaraha, iyadoo haa ay ku codeeyeen 142 Xildhibaan, saddex Xildhibaan ayaa ka aamustay mana jirin cid diiday meel marinta waqtiga uu soo codsaday R/wasaaraha sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

You must be logged in to post a comment Login