Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaanadda baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida oo maanta gacan ka hadal ku dhexmaray Jigjiga.

Jigjiga–Wararka ka imaanaya Magaalada Jigjiga ayaa waxaa ay ku waramayaan in maanta uu gacan ka hadal isku badelay fadhiga baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida.

Fadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray xildhibaano tiradooda gaaraysa 180 mudane, iyadoona xildhibaanada ay isku qabteen labo ajandi oo aan ku jirin ajandayaashii hore ee loo gudbiyay xildhibaanada.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in kulanka uu ka dhashay buuq iyo fowdo, iyadoona ugu dambeyn meesha lagu kala tagay, sida uu soo werinayo weriyaha KNN ee Dalka Itoobiya Cabdi Xakiim Gamadiid.

Sidoo kale ciidamada ayaa waxaa ay xireen weriyaal ka howlgalay Tv maxali ah oo ku  yaala magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka soomaalida.

Dhanka kale Ciidamada badan oo liyuu booliska ayaa maanta lagu soo daadiyay wadooyinka Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Xaalad kacsanaan ayaa maanta waxaa ka jirtaa magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka soomaalida.

You must be logged in to post a comment Login