Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaano diyaariyay Mooshin ka dhan ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya

 Oct 12, 2019

 0S

Muqdisho–Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa  oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaano uu ka mid yahay ay wadaan mooshin ka dhan ah ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya.

Iyadoo dhawaan la furay kalfadhiga 6aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay xildhibaan Dalxa in fadhiyadooda ugu horeeya ay baarlamaanka hor geyn doonaan mooshinka ka dhanka ah ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa xumaa wayihii dambe, iyadoo khilaafka ugu weyn uu ka taaganyahay kiiska badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo dacwadiisa ay Soomaaliya geysay madaxkadda ICJ, wallow ay shan sano kadib wali Kenya ku dadaaleyso in kiiskaas lagu xaliyo wadahadal.

Sidoo kale ciidamada cirka Kenya ayaa duqeyn lagu beegsado shacab iyo xoolo Soomaaliyeed waxa ay si joogto ah uga gystaan gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta dalka.

You must be logged in to post a comment Login