Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xilka Wasiirnimo ee Beesha Murusade oo la isku heesto & sadax Xubnood oo tartan adag ugu jira+ Sawiradooda

order Caverta online cheap, zithromax without prescription.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wali is qab qabsi xoogan uu ka jiro magacaabista Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya, waxaana wali jira Wasaarado dhoor ah oon wali la qorsheen dadkii loo dhiibi lahaa kadib markii ay ka dhasheen is qab qabsi dhinacyo kala duwan ka imaanaya.

Wasiirada la isku heesto waxaa kamid ah Wasaarada ay Beesha Murusade ka heleyso Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya, waxaana qabashada Wasaaradaasi tartan adag xiligan ugu jira Sadax Xildhibaan oo kasoo jeeda Beeshaasi.

Sadaxda Xildhibaan ee loolanka ugu jira Qabashada Wasaarada ay Beesha Murusade ka heleyso Xukuumada Soomaaliya waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdi Wali Maxamed Qanyare , Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim.

cabdi_wali_qanyare

Ilo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa noo xaqiijiyay in Xildhibaan Cabdi Wali Maxamed Qanyare, uu kalsooni badan ka heesto Madaxweynaha iyo Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya ayna suurto gal tahay in isaga la xusho oo lagu soo daro Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya.

maryan-cariif-qaasim

Waxaa sidoo kale iyagana dadaal badan ku bixnaya in ay kamid noqdaan Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya Siihayaha Xilka Wasaarada Warfaafinta Mustaf Dhuxulow iyo Xildhibaanad Maryan Cariif oo iyadana la sheegayo in ay gadaal ka riixayaan Xubno katirsan Dam Jadiid oo la doonaya in loo magacaabo Wasiir.

mustafa

Mustaf Dhuxulow oo ah Siyaasi saameyn badan ku leh Siyaasada ayaa isna lasoo sheegayaa in rajo weyn uu ka qabo in mar kale uu kusoo laabto Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya, waxa uuna Dhuxulow kamid ahaa Wasiirada shaqada badan qabtay Xukuumadii dhacday

Waxgarad , Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano katirsan Beesha Murusade ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xubnahan loolalnka ugu jira qabashada Wasaarada ay Beesha ka heleyso Xukuumada Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in ay soo dhaweenayaan cid walbo oo xilkaasi qabata.

Waxaa la saadaalinayaa si weyna loo hadal hayaa in Sadaxdan Xildhibaan ee tartanka adag ugu jira kamid noqoshada Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya uu midkood ku guuleesto loona xusho qabashada xilkaasi

You must be logged in to post a comment Login