Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ximan iyo Xeeb Oo Sheekh Xasan Daahir Si Qasab Ah Ugu Gacan Gelinaysa AMISOM.

Wararka nagasoo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ay fashilmeen wadahadallo maalmo qaatay oo ladoonayay in Sheekh Xasan Daahir Aweys AMISOM loogu gacan geliyo.

Sheekh Xasan ayaa diiday in lageeyo magaalada Muqdisho kadibna waxaa goobta soo gaaray maleeshiyaad taabacsan maamulka Ximan iyo Xeebo oo xabsiga u taxaabay dhammaan dadkii Sheekh Xasan la socday oo qaarkood deegaanka kasoo jeedaan.

Ilo wareedyo ay somalinimo1.com ka heshay Cadaado ayaa xaqiijinaya in beesha Cadaado degta isku khilaafsantahay sida laga yeelayo Sheekh Xasan,odayaasha dhaqanka salaadiinta iyo dhalinyarada beesha Cadaado ayaa diidan in sheekha Amison loo gacan geliyo halka maamulka Ximan iyo Xeeb oo gacan saar laleh DF-ka uu go’aansaday in uu xoog ku kaxeeyo sheekha.

Odayaal ka socda Beesha Ceyr iyo Sheekh Xasan Daahir ayaa hadda kulan ku leh guri kuyaal magaalada Cadaado,Wariyaha Somalinimo1 ee Galguduud wuxuu leeyahay “Maamulka Ximan iyo Xeeb in uu sheekh Xasan Xoog ku saaro diyaarud ayay u badantahay haddii dadka deegaanku aysan ka dhiidhin falkan foosha xun ee sheekha lala maaganyahay”.

You must be logged in to post a comment Login