Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XOG: Aqalka Sare oo la soo jeediyay in la laalo & Gaas oo ku hanjabay inuu ka baxayo Shirka Madasha

order Super P-Force online cheap, generic clomid Cialis soft FRUIT for sale, buy Zoloft cheap tadalafil, buy Zoloft. . .
Iyadoo maalintii afraad uu shirka Madasha Qaran ee madaxda Soomaalida ka socdo Muqdisho ayaa warar soo baxaya ay sheegayaan in xaalad adag ka taagan tahay.

Arrinta ugu weyn ee la isku hayo ayaa ah Dhismaha Aqalka Sare oo la isku mari waayay kadib markii dood culus ka dhalatay xubnaha laga soo jaray Somaliland iyo tirada laga siinayo Gobolka Banaadir.

Muranka dheeraaday ee qaabka qeybsiga xubnaha Aqalka Sare ayaa keenay in hogaamiyeyaasha Madasha Qaarkood soo jeediyeen in la laalo Aqalka Sare oo dowladda soo socota ay ku dhisnaato hal aqal oo Baarlamaan, arrintaasoo uu ka biyo diiday madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

Madaxweynayaasha K/Galbeed iyo Galmudug Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed ayaa taageersan in Aqalka Sare dib loo dhigo, taasoo sii xoojisay is mari waagii madasha, waxaana taas bedelkeed C/weli Gaas laga dalbaday inuu ka tanasulo xubnaha 3-da ahaa shirkii hore loo kordhiyay isla markaana xubno cusub loogu daro Gobolka Banaadir.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaalada la dejiyay oo tanaasul laga sugayo madaxweynaha Puntland maanta.

Madasha-Ogost2

You must be logged in to post a comment Login