Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XOG: Ciise Kambooni yaa dilay, maxaase xiga dilkiisa?

Ciise-Kambooni

Warar hoose oo ay heshay wakaaladda wararka somalimedia ayaa sii ifinmaya cidda dishay madaxii nabad sugidda magaalada Kismaayo ee maamulka Jubba Ciise Kambooni oo xalay ka dhacay magaaladaasi.

Ciise Kambooni ayaa kamid ahaa saraakiishii maxaakiimta Islaamiga ee la dagaalamayay dowladdii C/laahi Yuusuf iyo ciidanka Itoobiya, waxaana uu kamid ahaa dadka ku dhow dhow hoggaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe).

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Ciise Kambooni uu dilay nin kamid ah ilaaladiisa kaasoo ka soo goostay Alshabaab.

Warar aan helnay waxa ay sheegayaan in Ciise Maxamuud Allaake(Ciise Kambooni) ninka dilay ay yihiin xigaalo sidaasna uu ku soo dhoweystay markii uu ka soo goostay ALshabaab.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Jubba hadda lagu wado kala shaandheyn si looga gaashaanto dilal kale oo ALshabaab ay doonayaan inay u fuliyaan dad kale oo ka soo goostay.

You must be logged in to post a comment Login