XOG CUSUB: Mukhtaar Roobow dalka uu ku Noolaanayo & Inuusan la mid noqoneyn Sheekh Xasan Daahir Aweys oo la ogaaday

Filed under: Wararka |

Sarkaakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u sheegaywarbaahinta in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu xiriir dhow la leeyahay Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Saraakiishan ayaa sheegay in waqti horeba laga war hayay hadii Roobow uu isa soo dhiibo in uu tagi doono dalka Qatar oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo.

Fahad Yaasiin waa wakiilka dowlada Qatar ee Soomaaliya, waxaana la og yahay inuu saacad kasta la socday Xaalada Abuu Mansuur tan iyo markii Mareykanka ka saaray Liiska Argagaxisada wuxuuna ku qancinayay inuu isa soo dhiibo ka dib uu dalka ka dhoofo.

Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa sababta ugu weyn ee dalka uu kaga tagayo waxaa lagu sheegay inuu yahay shaqsi ku ad adag hadafkiisa isla markaana aan dooneyn inuu la shaqeeyo dowlada Soomaaliya, laakiin waxaa la rumeysan yahay xiriir ka wanaagsan kii Xasan Daahir Aweys iyo dowlada inuu dhex mari doono Roobow iyo Farmaajo.

Fahad Yaasiin iyo Mukhtaar Roobow waxaa ka dhaxeeya Xiriir mudo fog, maadaama Dowlada Qatar ay dhaqaalo ku taageeri jirtay Roobow wakiilka u dhaxeeyana labada dhinacna wuxuu ahaa Fahad Yaasiin.

Posted by on August 13, 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply