Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xog: Dooni sida Hub culus oo ka soo dhaqaajisay Marka kuna sii Jeedo Hobyo

doonida buy clomid, buy clomid online.

Muqdisho “Somalimedia Online”Warar hoose oo naga soo gaaraya Magaalada Marka ee gobolka shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in Dooni sida Hub nooca culus oo kasoo dhaqaajisay Marka ay ku wajahan tahay Degmadda Hobyo.

Wararku waxa ay sheegayaan in Doonida ay sido Hub casri ah, iyadoona ay warar hoose tibaaxayaan in Hubkaasi uu bixiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, islamarkaana uu ugu deeqay Maamulka Galmudug ee uu Hogaanka u haayo Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid).

Bixinta Hubka ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili dhawaan uu Maamulka Puntland shaaciyay in Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid) uu doonaayo inuu Hub soo galiyo Magaaladda Gaalkacyo, kaasi oo ay Puntland ku sheegtay inay bixisay Dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Dhanka kale, Socdaalka Doonida hubka sida ayaa ah mid ay kawarqabto Qaramadda Midoobay,waxaana Maanta Gobalka Mudug dulheehaabayay Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones-ka.

You must be logged in to post a comment Login