Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XOG: Hub uruursi xoogan oo socda & Al-shabaab oo mar kale duulaan ku ah…

Maamulka Puntland ayaa walaac xoogan ka muujinaaya in mar kale ay duulaan kusoo qaadan maleeshiyaadka Al-shabaab.

acquire sildenafil, acquire clomid. buy depakote online Cialis Soft online, order clomid. , buy clomid online.
Cabdiqaadir Shire Faarax oo ah Taliye ku-xigeenka Booliska maamulka Puntland, ayaa sheegay inay la socdaan in maleeshiyaadka Al-shabaab ay isku uruursanayaan Degmada Xarardheere iyo deegaano hoos yimaada Degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Cabdiqaadir Shire Faarax, waxa uu sheegay inay heleen xogo muujinaaya in Maleeshiyaadkaasi ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku qabsanayaan deegaano ka tirsan Puntland, waxa uuna farta ku goday in maleeshiyaadkaasi ay wadaan qorsho dagaal oo ay kusoo rogaal celinayaan.

Waxa uu sheegay in Puntland ay ka feejigan tahay weerar kale oo maleeshiyada Al-shabaab ay kusoo qaada deegaano hoostaga maamulka Puntland.

Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in maleeshiyaadka is uruursanaayo ay hagayaan kuwo uu tilmaamay inay ku dhex dhuumaaleysanayaan gudaha deegaanada maamulka, waxa uuna ka digay in dadka noocaasi ah guryaha laga kireeyo.

”Waa arrin jirta in Al-shabaab ay wadaan dhaqdhaqaaq ciidan balse waxaan cadeynayaa in Al-shabaab aysan Puntland wax ka qaadi karin si waliba oo ay isku soo abaabulaan”

Haddalka Cabdiqaadir Shire Faarax ayaa kusoo beegmaaya xili maleeshiyaad farabadan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku go’doonsan yihiin qeybo kamid ah Gobolka Mudug.

You must be logged in to post a comment Login