Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xog laga helay tirada ciidamada USA ee sida qarsoodiga ah u jooga Somalia

 


Wanshinton DC (SomaliMedia News Network) – 
Wakaalada Wararka Reuters ayaa qortay in saraakiil Maraykan ah ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya kuwaasoo ka howgalla saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Saraakiil u warramay wakaaladda ayaa sheegay in 120 askari oo u badan khubaro in ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya kuwaasoo taageero iyo tababbar siiya ciidamada dowladda Soomaaliya sidda lagu sheegay warbixinta Reuters.

Arrintan waxay muujineysaa in Maraykanka uu ka howgall o Soomaaliya, waana markii ugu horreysay oo xukuumadda Washington ay si rasmi ah u shaaciso in ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya.

Maraykanka ayaa Soomaaliya isaga baxay sannadkii 1993-dii xilligaas oo uu fashil ku yimid howgalkii loo bixiyay Rajo Soo celin waxaana Muqdisho looga dilay 13-askari kuwaasoo qaar ka mid ah lagu jiid-jiiday waddooyinka Muqdisho.

Dowladda Maraykanka ayaa ka mid ah dalalka sidda weyn u taageersan dowladda Soomaaliya oo dagaallo ba’an kula jirta kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

SomaliMedia.co.uk

Wanshinton DC order Apcalis SX Oral Jelly online, acquire lioresal.

 

You must be logged in to post a comment Login