Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XOG: M.weyne XASAN oo ka soo horjeestay Wasiirka Cusub ee ERAG

—Sida Ilo ku sugan Villa Somalia ay u sheegeen Garoowenews Online, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka soo horjeestay magacaabista Wasiirka Cusub ee Amniga Qaranka kaasi oo Shalay Ra’iisul Wasaaraha magacaabay.

Wararka waxuu intaa ku darayaa in Xasan Sheekh Maxamuud aan lagala tashan soo maagacaabista Wasiirka Cusub, iyadoo Wasiirkii hore ee Amniga uu u gudbiyay Ra’iisul Wasaare C.weli Erag oo isku heyb ay yihiin Wasiirkii hore ee Guuleed.

Xubin ka tirsan Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada oo diidan in la xuso magaciisa ayaa waxuu sheegay in Madaxweynaha uu ka warhelay magacaabista Erag oo aan wax la tashi ah lagala sameyn.

Waxaa socda Wadahadalo iyo Dadaalo la doonayo in Madaxweyne Xasan Sheekh looga dhaadhiciyo in uu aqbalo Wasiirka Cusub ee Shalay lagu dhaawaqay kaasi oo ka mid ahaa Saraakiishii Nabadsugidda ee Xasan Sheekh uu ceyriyay markii Xilka uu qabtay.

Diidmada Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo aadeysa Iyadoo Shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo go’aansaday in u magacaabo Wasiirka Amniga, isagoona xilalak ka qaaday Xubno ka tirsan Laamaha amaanka. Kamagra online, buy clomid.

You must be logged in to post a comment Login