Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XOG: Muddo kororsiga qarsoon ee DF & dib u dhaca Doorashada 2016

where can i buy clomid online, buy zithromax online. buy Viagra Professional online, Viagra Gold online, acquire lioresal. buy Zoloft online.
Waxaa isa soo taraya cabsi ku saabsan dib u dhac ku yimaada doorashada labada aqal ee Baarlamaanka oo lagu waday inay Bisha Ogost dhacdo iyadoo ay jiraan qorshe qarsoon oo dowladda hadda jirta ku dooneyso in doorashada aya gaarto sanadka cusub 2017.

Xukuumadda Cumar C/rashiid ayaa hore u sheegtay inay u baahan tahay 3 ilaa 4 bilood oo dheeraad ah si loo diyaariyo doorashooyinka Baarlamaanka oo hadda ah laba aqal iyo tan madaxweynaha oo gaari karta Janaayo 2017, taaso ay ka hor yimaadeen Baarlamaanka.

Wax ka bedelka qodobka 60-aad ee Dastuurka KMG ah oo shalay ku dhaqaaqeen Baarlamaanka Federaalka kaasoo xilliga jiritaanka Baarlamaanka hadda jira ka dhigaya mid gaaraya ilaa laga doorto Baarlamaan kale ayaa keenay shaki ku saabsan inuu jirto qorshe muddo kororsi ah oo si hoose uga dhex socda hay;adaha dowladda Federaalka xilli madaxda sare ku dhawaaqeys inaysan jirin doonin muddo kororsi.

Waxaan weli lagu heshiin tirada iyo qeybinta aqalka sare, iyadoo aqalka hoose aad loo adkeeyay doorashada xildhibaanada oo hadda ay dooranayaan 52 xubnood, taasoo howsha sii cakireysa. Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa dhowaan sheegay in la dhisay guddiyadii doorashada Federaalka iyo maamulada, laakiin waxaa la ogyahay in guddiyadaasi intooda badan la isku heysto weli.

Madaxda Madasha Qaran ee dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka ayaa 20-ka bishan ku shiraya magaalada Baydhaba iyadoo ay harsan yihiin arrimo weli la isku heysto oo ku saabsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka iyo qabanqaabada doorashooyinka oo hadda caddahay in dib u dhac la qarinayo ku imaan doono.

You must be logged in to post a comment Login