Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xog Muhiim ah:Madaxweynaha oo amar ku bixiyey in lasii daayo Wariye C/casiis Koronto

Kadib seddex maalin ka hor oo warbaahinta si cad uu ugu sheegay madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud inay Sumcad xumo kala kulmeen kiiskaasi ayuu amray in lasii daayo.
Wararka aynu ka helyno Muqdisho waxay kuwaramayaan in laga yaabo waqtiyo dhaw gudahood in lasii daayo C/casiis C/nuur Ibraahim iyo Luul Cali Cusmaan oo dhawaan la xukumay.
Wariyaha ayaa muddo ka badan 5 jeer waxa la hor keenay maxkamad iyadoo intuba dib udhac uu ku imaanayey.
Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu amar ku siiyey hay’adaha garsoorka gaar ahaan kuwa ku shaqada leh kiiskaasi in lasii daayo labada maxbuus dacwadoodana lasoo afmeero.
Maanta waxaa lagu wadaa in mar kale la dhageysto dacwada loo heysto wariye C/casiis Koronto iyo Luul Cali cusmaan waxaase la ogeyn go’aanka waxa uu noqon doono.
10-kii bishii Janaayo 2013 ayaa xabsi loo taxaabay C/casiis C/nuur Ibraahim kadib markii lagu eedeeyey inuu baahiyey war been abuur ah uu sumcada booliska somaliyeed sharaf dil kusameeyey sida la sheegay.

You must be logged in to post a comment Login