Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XOG: Qorshe xildhibaannada beelaha Daarood ay uga baxayaan Muqdisho

Viagra Soft without prescription, generic clomid.

Qorshahan, ayaa waxaa horboodaya Cabdrisaaq Jurille, waxaana ujeedkiisa uu yahay in beesha caalamka loo muujiyo in magaalada Muqdihso ay tahay magaalo beelaha Hawiye ay si gaar ah u lee yihiin, oo aysan dowladda ku shaqeyn karin.

Waxaa Jurille uu ku fakarayaa in taasi ay billaabi karto dood ku saabsan in caasimada Soomaaliya laga wareejiyo magaalada Muqdisho loona raro magaalo kale, kadibna dowladda ay guurto.

Magaalooyinka uu ku taamayo waxaa ka mid ah Garoowe iyo Kismaayo.

Ilo xog ogaal ah ayaa SomaliMedia Online u sheegay in Jurille uu qorshahan billaabay kadib markii xildhibaanada beelaha Hawiye iyo wasiiradooda ay qaadaceen dowladda, taasi oo keentay in baarlamanka uu muddo ku dhow toddobaad kulmi la’ yahay.

Jurille ayaa sida la sheegay ka carrooday talaabada beelaha Hawiye, waxaana uu aaminsan yahay in dowladda aysan ku shaqeyn karin magaalo ay maamulaan beelaha Hawiye.

Qorshaha Jurille, ayaa waxaa diiday inta badan xildhibaanada beelaha Daarood, oo ku tilmaamay mid aan socon karin, waxaana lagu warramay in kuwa taageersan aysan ka badneyn 10. Jurille, ayaa weli wada dadaal uu taageero ugu raadinayo qorshahan

Siyaasiyiin ka tirsan beelaha Hawiye, oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in qorshaha Jurille ee ah in dowladda laga raro Muqdisho uu yahay mid farxad gelin lahaa, haddiiba taasi ay dhacdo, sababta oo ah dowladda oo wax aan culees ahayn ku hayn deegaanada beelaha Hawiye.

SomaliMedia Online
Xafiiska Muqdisho
info@somalimedia.co.uk

You must be logged in to post a comment Login