Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xog: Saraakiil ka tirsan xarakada Al shabaab oo u qaxay Hargeysa kadib dilkii hogaamiyahoodii

Sargaal oo lagu magacaabo C/naasir Dahir, ayaa inoo xaqiijiyay in Alshabaabka soo galay ay u badnaayeen kuwa ka firxaday Dagaalada ay Dowlada Federaalka Somalia ku qaaday Gobolada Dalka ee looga itaal roonaaday Maleeshiyada.

‘’Ciidamada waxaa la faray inay galaan heegan joogta ah, gawaarida raaxada iyo kuwa BL-ka waxaa nalagu amray inaan baarno waayo waxaa jira xog sheegeysa in Horjoogayaal Alshabaab reer Hargeysa ahaa oo usoo dagaalamay Axmed Godane ay dib ugu soo laabteen Hargeysa sidaa darteed waxaa nalagu amray inaan xaqiijino Ammaanka’’ Ayuu yiri C/naasir Dahir oo kamid ah Saraakiisha Ammaanka Hargeysa
C/naasir Dahir waxa uu shacabka Hargeysa ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada, islamarkaana ay guryaha kasoo saaran Alshabaabka baxsadka ah.

Dhanka kale, Dilkii Hoggaamiyihii Maleeshiyada ayaa sababay in Kooxda Alshabaab ay u kala firxadaan Gobolada dalka iyo Tuulooyinka, waana tan keentay in Maamulka Hargeysa ay muujiyaan feejignaan dhanka Ammaanka ah.

You must be logged in to post a comment Login