Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xog: Somaliland iyo Al-Shabaab oo la xaqiijiyey inuu xiriir weyn ka dhexeeyo

Madaxweynihii hore ee maamulka Khaatumo State, Maxamed Yuusuf Indho Sheel oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay xiriir la lee yihiin Al-Shabaab.

Indho Sheel ayaa sheegay in markii uu dhintay Axmed Godane oo ahaa aasaasihii Al-Shabaab in looga baroordiiqay magaalada Hargeysa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee Khaatumo ayaa tilmaamay in dhawaan deegannada Somaliland laga dhisay ciidamo gaar ah oo ka hortaga kooxaha argagixisada taas ayaana sabab u ah ayuu lee yahay xiriir in uu ka dhexeeyo Somaliland iyo Al-Shabaab.

Wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay arrintaas la socoto ee ku aadan xiriirka u dhexeeya Somaliland iyo Al-Shabaab.

Madaxweynihii hore ee Khaatumo ayaa dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa ugu baaqay in ay taageero la soo gaaraan dadka ka qaxay gobalada Sool iyo Sanaag oo dhawaan ay ku dagaallameen ciidamada Somaliland iyo khaatumo.
Tadalis SX buy online, dapoxetine without prescription.

You must be logged in to post a comment Login