Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XOG: Somaliland iyo Puntland oo codsaday arrin adag oo ay Soomaalida ku kala tagayaan

XOG: Somaliland iyo Puntland oo codsaday in ay ku biiraan Itoobiya

Addis Ababa (Somalimedia Online)- Mid ka mid ah Wargeysyada wax ku qora afka Amxaariga ayaa toddobaadkan qoray qorshe ku aadan Somaliland iyo Puntland in ay codsadeen in ay ka mid noqdaan Itoobiya.

Arrintan cid ilaa hadda xaqiijisay ma jirto sidoo kale wax war ahna lagama hayo labada maamul iyo dowladda Itoobiya.

Sida uu lee yahay wargeyska sheekadan qoray, dowladda Itoobiya ayaa dooneysa qorshe dheer oo ku aadan in ay ka faa’ideesato labadan maamul maadama aaney heesan deked ay wax ka dhoofsato.

Somaliland waxa ku yaalla dekedda Barbera halkaasoo si madax banana ay wax ay dooneyso ka dhoofsato halka Puntland ay lee dahay dekedda Boosaaso oo iyana u madax banaan maamulkeeda.

Qorshahan waxaa looga dhawaaqay kulanka Pan Africanist kaasoo la doonayo in lagu xoojiyo Afrika sidaas waxaa leh Wargeyska sheekadan qoray.

Itoobiya ayaa ku taameysa kana shaqeeneysa in ay sameeso gobal deggan oo ku yaalla dhul u dhow.

Dowladda Faransiiska oo gumeesatay Jabuuti ayaa weli halkaas saldhigyo waaweyn ku leh dalka geeska Afrika ku yaalla.

Somaliland tan iyo sannadkii 1991-dii waxay raadineysay aqoonsi caalami ah balse weli ma aaney helin, halka Puntland oo hoostagta dowladda fedaraalka ay u muuqato mid ka awood badan maamulada dalka ka dhisan.

Labadan maamul saaxib dhow ayey la lee yihiin xukuumadda Addis Ababa.

Ma cadda wax yaabaha hadda keenay in labadan maamul ay codsadaan in ay ku biiraan Itoobiya.

Haddaba akhriste halkan hoose ka eego warka aan kor ku soo sheegnay

http://www.goolgule.com/puntland-and-somaliland-to-be-part-of-ethiopia online sildenafil, zithromax online.

http://www.amoraview.com/ethiomalia

You must be logged in to post a comment Login