Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XOG: Wasaarad muhiim oo laga reebay G/Wasiirada oo shaki weyn dhalisay !!

Wasaarad ka mida wasaaradaha ay ka koobneyd Xukuumada Soomaaliya ayaa laga reebay Golaha wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyadoo aan la ogeyn in si ula kac ah loo baab’iyay wasaaradaasi iyo in dib laga magacaabi doono.

Waxaan kaloo la ogeyn inay ku dhex luntay kala bedelkii lagu sameeyay golaha wasiirada oo qaarkood saacadihii ugu danbeeyay la kala bedelay.

Wasaarada Tacliinta Sare ayaan ka mid ahayn wasaarada xukuumada uu magacaabay Ra’iisal wasaare CCC, waxaana waaxda Hidaha lagu daray wasaarada Warfaafinta.

Waxaa isa soo taraya shaki ku xeeran arrintan oo laga cabsi qabo in si ogaal ah loo baabi’iyay wasaaradan oo ah mid howl muhiim ah heysay xukuumadii ugu danbeysay oo uu wasiir ka ahaa Ducaale Aadan.

Sharci nidaaminaya jaamacadaha iyo shuruudo lagu xirayo furashada jaamacadaha ayaa ka mid ahaa qorsheyaashii wasaaradaasi, waxaana dhici karta in arrintaas darteed looga tegay, iyadoo la ogyahay in madaxweynaha iyo laba ka mid saaxiibadiis wasiiro loo magacaabay ay ka mid ahaan guddiga sare ee mid ka mida jaamacadaha ka jira Muqdisho, ayna sidoo kale hoos tagaan hay’ado waxbarasho.

Waxaa jira tuhun ku saabsan in wasaaraddan loo baaa bi’iyey si musuq-maasuqa waxabasrho ee kooxda Damu-Jadiid aanay cidna uga hadal

Super P-Force no rx, buy dapoxetine online.

You must be logged in to post a comment Login