Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XOG: Weerarkii Villa Somalia oo daba la galay siyaasiyin caan ah oo ay kamid yihiin…..

paroxetine tablets buy, acquire clomid. Werarkii Habeenkii Tallaadada, saacadda Muqdisho markey aheyd 19:15 lagu soo qaaday Villa Somalia Kooxda ka dambeesay waxaa la xaqiijiyay siduu sheegay Wiilkan Nolasha lagu qabtey in ay u badnaayeen Beel ahaan “Beesha Abgaal-Harti Abgaal”
Warar hordhac ah oo Carabkiisa lagala baxay ayaa waxaa laga dhadhansaday in arintaan sida caadada u aheyd ay Kooxda Shabaab iska sheegteen balse ay ka dambeeyeen Rag Siyaasiyiin ah oo uu ka dhex Muuqdo Raisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xiligii Itoobiya ay Muqdisho soo gashay 2008 Cali Maxamed Geedi.
Wiilkaan oo Magaciisa la yiraahdo Xasan Muxyadiin ‘Bustoolad weyne’ ayaa wuxuu Qiray in aysan Cali M. Geedi xiriir toos ah laheyn balse uu jiray Xiriiriye u dhaxeeya Cali M. Geedi iyo Kooxda Muxyadiin.
Xasan Muxyadiin wuxuu sheegay in Xoogaga weerarka soo qaaday ay ka koobnaayeen Labo iyo Labaatan Askari oo qaar ay kamid yihiin Ciidanka Madaxtooyadda gudaheeda ku jiray.
Weerarkuna wuxuu u Qorsheysnaa Qeybta dibadda oo uu ‘Bustoolad weyne’ soo hogaamiyay iyo Qeybta gudaha ah oo aheyd markii ay maqlaan Xabadaha ayaguna (Kooxda Labaad) ay gudaha ka bilaabaan. Gudaha Madaxtooyadda Labada Askari oo lagu dilay waxaa fuliyay Kooxdaas oo markii ay arkeen in ‘Operatio’ku uu fashilmay Xabadaha joojiyay kadibna Ciidankii Madaxtooyadda oo ay hore uga tirsanaayeen ku milmay.
Hadii Arintaas ay dhab tahay oo sidii Muxayadiin laga hayo ay u dhacday, xaaladdu waa mid aan dhaweyn oo Siyaasiyan aad u qotadheer, waana adagtay in lakala garto Midka Ciidanka ah iyo Midka Ciidanka loogu soo darsaday in uu fuliyo Ujeedo kale.
Waxaa la wada ogsoonyahay in Xarumaha Madaxtooyadda, baarlamaanka iyo Hoteladda Muqdisho ay noqdeen meel Halaqmareen ah oo ay ka buuxaan Cayayaan lagana fuliyo Mu’aamaraadka Argagaxa leh.

You must be logged in to post a comment Login