Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XOG:AMISOM & Al-Shabaab oo Maslaxad Mideysan Kaleh Dagaalka Shabelaha Hoose oo

 

XOG:AMISOM & Al-Shabaab oo Maslaxad Mideysan Kaleh Dagaalka Shabelaha Hoose oo La..

Soomaaliya waxa ay ku jirtaa jaha wareer mudo dheer qaatay bur bur iyo dowlad la’aan la degtay dhamaan dadnimadii iyo karaamadii umada Soomaaliyeed.

Waxaa maalmahaan soo cusboonaaday dagaal qabiil oo leyslahaa mudooyinkii u danbeysay masoo noqon doonoo sababtoo ah wadankiiba gacanta uguma jiro dad soomaaliyeed.

Sida an wada ognahay oo xataa caruurta iyo haweenka gurya joogta ah ay ogyihiin Soomaaliya waxa ku sugan ciidamo shisheeye oo afrikaan iyo cadaanba leh  waxaa ay wataan hub culus oo ay Soomaalidu la diriri Karin mida labaad dagaal qabiil waxaa uu dhamaaday maalinkii uu bilowday baraarugii islaamiyiintu oo ay kula wareegeen dhammaan hubkii ay ku dirirayeen qabaa’ilka.

Hada waxa saaxadii joogaa Al-Shabaab oo dadkii xataa masaajiddii ku dhex dilay waayeel iyo ciroolana an dhaafin dadkuna ay aad uga baqaan oo an lagu dheeran karin wax aysan raali ka aheyn.

Hadaba sideey ku suuro gali kartaa in dagaal xoogan oo dad badan ku dhintaan laga abaabulo Xamar iyo Marka inta u dhaxeysa taasi miyeysan aheyn mid raali laga wada yahay oo dhinacyada an soo tilmaamnay oo awooda ku leh Soomaaliya ay raali ka yihiin Ha noqdeen kuwo cadow ah oo shisheeye ah ama kuwo sheegta in ay u dirirayan diin iyo AALA dartii.

Waxaan isleeyahay waa “oohintu orgiga ka weyn”xaalku ma ahan waxaa is dagaalaya labo qabiil oo Soomaali ah.

MAXAY TAHAY AMISOM MASLAXADA UGU JIRTA DAGAALKA MARKA online tadalafil, zithromax reviews.

Amisom dalka waxa ay u joogta waa dhaqaale doon dhaqaalahana waxa bixiya UN ka iyo dowlada kale AMISOM dukaankeedu waa in soomalaiya aysan hagaagin xalna loo helin dagaalkaan hada bilowday ee u dhaxeeya labadaas qabiil waxa ay ka dhigantahay dowlad Soomaaliyeed oo awood leh ma joogto sidaa darteed waxa xalaaloobaya joogitaanka AMISOM in la yiraahdo wali Soomaaliya layskuma aamini karo dhexdoodo waa in lagu kala dhex jiraa dowladana waa in la ilaaliyaa maslaxada AMISOM waa in mushaarkeeda iska siisocdo waxaana markhaati ka ah in AMISOM xitaa lagu eedeeyey in ay Al Shababkii ay lahaayeen waan la dagaalameynaa ay hubka ka iibiyaan waana arin dad badan ay illaa iyo hada fasiri la’yihiin.

MAXAY TAHAY AL-SHABAB MASLAXADA  UGU JIRTA DAGAALKA MARKA

Shababku hadaba waxa ay maslaxa u arkeen dagaalka qabiilka ah in uu dan ugu jiro waxa ay is xijiyeen qabiil ka mid ah qabaa’ilka dagaalamaya si ay qabiilka kale u jabiyaan hadhowna ay u dhahaan anaga idinla jabinay oo ay abaal ugu sheegtaan qabilkaas ay garab is-taageen sida ad ka war heeysaan shababku waxa ay ku nool yihiin isku dhaca labo qabiil oo ay qabiil ka mid ah ku magacaabaan Ansaar kan kalana cadow waa biyaha lagu waraabiyo geedka inxiraafka ah ee uu talaalayo Axmed Godane Al-Shabaab ma noolaan karaaan hadeysan jirin isku dhacyada qabaa’ilka midka ka mid ah qabaa’ilada diriraya ayeyku beer-laxowsadan in ay dulmanyihin dulmigana diidaan waxaana markhaati kuu ah sida ay uga gaabiyeen dagaalka haatan socda oo aysan gacan uga geysan marka laga reebo teleefoono ay soo direen oo ay dhaheen cidi guuleysata hanaga war heyso.

You must be logged in to post a comment Login