Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xoogaga Daacish oo qoorta ka jaray mid ka mid ah labadii nin ee reer Japan

Muuqaal lagu baahiyay barraha Internet-yada, ayaa waxaa ka soo muuqday Haruna Yukawa oo ka mid ahaa labadii nin ee reer Japan, ee gacanta ugu jiray Xoogaga Daacish, oo ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Daacish waxay Talaadadii dalbatay laba boqol oo milyan oo lacagta Mareykanka ah, haddii kalana ay labadaasi nin qoorta ka goyn doonto, iyadoona muddo 72 saacadood ah u qabatay Dowladda Japan.

Ra’iisal Wasaaraha Japan Shinzo Abe, ayaa Talaadadii ku gacanseyray Xoogaga Daacish, inay Dowladdiisu bixiso lacagahaasi. Wuxuuna ku baaqay in labadaasi nin la sii daayo, haddii kalana leeskala xisaabtami doono waxyeelo loo geysto.

Ninka ka soo muuqday muuqaalka la baahiyay ee qoorta laga jaray, ayaa dalka Suuriya geeyay shirkad militari oo filimada sameysa, ha yeesee bishii August ee sanadkii tagey, ayuu u gacangalay Daacish.

Daacish waxaa iminka gacanteeda ku haray Kenji Goto Jogo, oo ah nin Suxufi ah oo si weyn looga qaddariyo dalka Japan, waxayna qoyskiisu ka walaacsan yihiin in isaguna qoorta laga jaro.

Ra’iisal Wasaare Shinzo Abe, ayaa wuxuu si weyn uu u cambaareeyay tallaabada ay Daacish qoorta kaga jartay ninka reer Japan, inkastoo uu xusay in Dowladdiisu ay wado baaritaano ay ku xaqiijineyso in Haruna la gowracay iyo in kale. Erectalis without prescription, purchase dapoxetine.

You must be logged in to post a comment Login