Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xukuumada oo Qiratay in dagaalyahano Katirsan Shabaab ay iskudayeen iney Galaan Xafiiska Rasalwasaarah..

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ridwaan Xaaji C.wali oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa shaaca ka qaaday Dagaal yahano ka tirsanaa Ururka Al Shabaab oo Weerarka ku soo qaaday Xarunta Madaxtooyada in ay gudaha u galeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ridwaan Xaaji C.wali ayaa sheegay in Kooxahii Weerarka soo qaaday in ay isku dayeen in ay qabsadaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya balse waxuu tilmaamay in Ciidamada Amaanka ee Dowlada Soomaaliya in ka hortagaan Raggii ka tirsanaa Al Shabaab.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in Weerarkii Xalay lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in wax Qasaaro ah aan soo gaarin Mas’uuliyiinta Dowladda Sooomaaliya.

Sikastaba, amaanka Magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya tan iyo markii ay dhalatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan iyadoona xusid mudan in Al Shabaab ay kordhiyeen Weeraradooda ka dhanka ah Saraakiisha, Xildhibaanada Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo Xarumaha Dowlada Soomaaliya. order Sildalis online cheap, cheap clomid.

You must be logged in to post a comment Login