Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xukuumada Soomaaliya oo dhismaha xabsi weyn ka codsatay beehsa caalamka

Wasiiru dowlaha Wasaaradda adeega bulshada Maxamuud Ismaaciil Barqad ayaa waxa uu sheegay in ciriiri badan uu ka jiro Xabsiga dhexe oo kaasi oo uu sheegay in uusan ku filneen maxaabiista oo dhibaato uu ku yahay.
Barqad waxa uu sheegay in maxaabiista ay u baahan yihiin inay helaan xabsi nafis leh oo uusan ka taagneen wax ciriiri ah waxaana sidaasi awgeed uu sheegay in la doonayo in la dhiso xabsi ka weyn midka xabsiga dhexe.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda adeega bulshada ayaa ugu baaqay dowladda iyo beesha Caalamka in la dhiso xabsi balaaran, iyadoo laga faa’ideysanayo dib u dhiska hada ka bilowday dalka.
Xabsiga ayaa ah xabsiga ugu weyn Soomaaliya waxaana baaqa Xukuumadda uu imaanayaa iyadoo xabsiga ay ku xiran yihiin baxaabiis badan oo xiran dambiyo kala duwan.

You must be logged in to post a comment Login