Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xukuumadda oo sheegtay inay diyaarisay qorshe Shabaabka isa soo dhiiba lagu dhaqancelinayo

Wasaarada arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaariyeen qorshe Shabaabka Dowladda Soomaaliya isu soo dhiiba lagu dhaqancelinayo.
C/kariin Xuseen Guleed wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in marwaliba Dowladda ay gacmo furan kusoo dhaweynayso cidii isku soo dhiibta dhankooda.
Wasiirka ayaa sheegay in dhalinyarada Shabaab ay udiyaariyeen qaab cusub oo ay dadkooda ugu noqon karaan islamarkaana kula noolaan karaan hadii ay ka tanaasulaan falalka Shabaabnimada ah.
Wuxuu ku celiyay baaqa Dowladda ee ah inay isa soo dhiibaan dhalinyarada Shabaabka kujira oo uu ku tilmaamay in la marin habaabiyay.
Hadalkaan kasoo baxay Wasaarada arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya wuxuu imaanaya iyadoo maalin kahor Madaxtooyada afaafkeeda hore uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo la sheegay inuu fuliyay ruux horay Shabaab uga soo goostay.

You must be logged in to post a comment Login