Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xukuumadda Oo Tiri Shirka Gobaladda Dhaxe Cadaado laguma qaban karo

Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya waxaa ku sugan Gudiyada Farsamada iyo kan Dardargalinta Xukumadda Soomaaliya ay Magacowday,kuwaas oo ujeedkoodu uu yahay in ay soo dhisaan Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Khilaafkii ugu weynaa ayaa la sheegay in uu ka dhashay Maamul u sameeynta Gobolada Dhexe ka dib markii Gudiga Xukumadda ay dirtay ee Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Mahad Salaad uu Hogaaminayo ay Diideen in ay Cadaado tagaan.

Gudiga Xukumadda ayaa sheegay in aysan Magaalada Cadaado Tageeynin oo ay doonayan in Shirka Maamul u sameeynta lagu qabto Gurceel iyo Dhuusamareeb mid kood,waxaana Ujeedka Cadaado ay ku diideen ay ku sheegeen in Amaankeedu uu halis yahay dhawaana Cadaado laga taagay Calanka Madoow ee Al-shabaab, sidaana Waxaa yiri Mahad Salaad Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada.

Hadalka Gudiga ayaa waxaa ka Carooday Maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo sheegay in Cadaado ay tahay Nabad Shirkana aan laga badali Karin in lagu qabto.

Cabdi qeybdiid iyo Baarleex ayaa sheegay in hadii Xukumadda Soomaaliya ay Qorshahaasi keentay ay barii ka yihiin Maamulka Gobolada dhex,Waxaana Labada Madaxweyne ay sheegeen in Shirka Puntland iyo Dowladda Soomaaliya Fashilintiisa ay iska kaashadeen.

Arrinta ayaa u muuqata Allow ur ubixi oo Shirkii Natiijada laga sugayay ayaa Fashil qarka u saran. buy Apcalis SX Oral Jelly, dapoxetine reviews.

You must be logged in to post a comment Login