Yaa Ka Dambeeyey inuu isa soo dhiibo Sheekh Mukhtaar Rooboow+Sir Culus oo La Helay?

Filed under: Wararka |

Si guud iyo si gaar ahba waxa uu keenay Hadal heyn Xoogan is dhiibitaankii maanta Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abu Mansuur) oo gacanta dawlada soo galay.

Maamulka Koonfur Galbeed ayuu hadda magan uyahay Abu Mansuur Rooboow isagoo taageero hiil iyo hoo ka helay inta uu dagaalka ka wajahayey Labadii maalin ee lasoo dhaafay dhinaca Shabaab.

Mukhtaar Rooboow ayaa loo galbiyey isaga iyo ciidan uu watay dhinaca Magaalada Xudur Ee Gobolka Bakool oo Ciidan badan loogu diyaariyey.

Waxa la sheegay geed dheer iyo mid gaaban uu ukoray isa soo dhiibitaanka Rooboow Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xitaa maanta Safar uu ku tegi Lahaa Shariif Xasan Xudur waa uu ka baaqday kaasi oo la sheegay in Xamar loo soo qaadi doono Wadaadkaasi.

Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu liiska Argagaxisada in laga saaro uu ku dedaalay Abu Mansuur taasi oo dhawaan Mareykanka ay ka tir tireen in Laga bixiyey Liiskaasi

Posted by on August 13, 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply