Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Yaa ka qeybgalay shirkii mino-bixinta

22-kii bishii hore ayaa shir wadatashi oo ay soo qaban qaabisay Ha’yadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miinooyinka waxaa lagu martiqaaday Wasaraada Aminga Gudaha Soomaaliya iyo hay” adda SEMA oo u qaabilsan Wasaarada arrimaha miinooyinka iyo qataraha ka dhasha.

Shirka oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa wafdiga Dowladda Federaalka uga qeyb galay waxaa hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse,waxaa kale oo shirka ku wehlinayay Amb: Faadumo Insaaniya oo iyada kaalin muhiima ah ka qaadatay shirkaas una gudbisay Hay”daha ka shaqeeya arrimaha miina baarka ee jooga UNka iney sida dhow  ula socon doonto howlaha Miina Baarka Soomaaliya.

Shirkaas oo ahaa labo waji ayaa wajiga hore waxaa ka hadlay Wasiir ku- xigeenka Amniga Gudaha,wuxuuna sheegay iney jiraan qorshaha howleed lagu  xoojinayo caawinaada dadka ku waxyeeloobay Qaraxyada Miinooyinka iyo qataraha ka dhasha dadkaas oo u badan dumar iyo carruur.

Dowlada Federalka Soomaaliya iyo Ha”yada u qaabilsan Minooyin Qaramada Midoobay (UNMAS) ayaa isla gartay iney ka go”an tahay dhammeystirka iyo ka nadiifinta Minooyinka dhammaan dhulka Soomaaliya

You must be logged in to post a comment Login