Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Yaa xilka iga qaaday aniga?

Iyadoo Xiisado Dagaal ay ka taagan tahay Magaalada Balcad ee Gobolka Sh.Dhexe ayaa waxaa arintaasi si kulul uga hadlay Guddoomiyaha Degmada Balcad Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole.

Gudoomiye Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya in ay Ciidamo iyo Gaadiid Dagaal u soo dirtay Degmada Balcad isagoona xusay in uu iska difaacay Ciidamadaasi.

Mar la weydiiyay Xaadoole in xil ka qaadis lagu sameeyay ayaa waxaa ku jawaabay in aanu jirin Cid xilka ka qaaday iyo Degreeto looga qaaday Xilka sida uu u sheegay Idaacadda BBC-da.

“Aniga ma arag Wasiir Ama Agaasime ii sheegay in xilka la iga qaaday balse xil ka qaadistana waxey leedahay Sharci iyo wada loo soo maray iyadoo taasi jirto ayaa waxaa isoo weerarat Ciidamo ka socda DFS ana waan iska caabiyay” sidaasi ayuu yiri Xaadoole.

Waxuu Xaadoole ugu baaqay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay in faragelin deg deg ah ay ku sameeyaan Ciidamadan Duulaanka ku soo qaaday Degmada Balcad sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiye Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday in Xaalada Degmada Balcad ay xasiloon tahay isagoona tilmaamay in uu ku sugan yahay Degmadiisa.

You must be logged in to post a comment Login