Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Yusuf Haid

order Cialis Professional online, buy tadalafil, buy Zoloft Revatio buy online, lioresal online. . zithromax online.

QAYBTA LABAAD
1. Sheekadu waxay inoo maraysay, maxaa loo Haaraamaya Calasow iyo saaxibadii? Nooca saxaafadda ee u isticmaalaan Calasow iyo saaxibadii dadka qaarkii waxay oran karaan waa saxaafada loo yaqaan saxaafadda ‘xadantada’ (Yellow Journalism, ama sensationalist journalism) oo inta badan shuccur abuurta markhatina aan loo raadin. Saxaafaduna iskeedba waa ganacsi lagu kala iibsado badeecad ah wararka iyo wacaasha. Cidda wax laga iibinayaana waa dadweynaha. Haddii marka wariyayaasha iyo af-hayeenada Villa Soomaaliya oo adeegsanaya aaladihii qaranka ee ay ka mid tahay wasaaradda Warfaainta ay iska celinwaayeen Calasow iyo saaxiibadii, iyaga ku ceebaysan. Waxaa ku filan Calasow, in wuxu yiraahdo la beeneeyo, runtana la sheego.

2. Marka dadweynuhu iyaga oo ku ammaanan inay taageeraan oo difaacaan madaxweynahooda Farmaajo, haddana mahadxweynuhu ma aha diin aan qolof lahayn oo laga ilaalinayo haadda soo weeraraysa, ama ukun gacan laleemo lihi sido oo laga baqaayo in lala kufo. Dadka iyo dawladaba waxaa dani ugu jirta inay jirto saxaafad xor ah oo ilaalisa dhaqanka dawladda, isla markaana ixtiraamta xeerka saxaafadda u yaal ah, hase ahaate ah (watchdog). Saxaafadu qayb bay ka tahay dawladnimada, oo waa sabtaa waxa reer galbeedku ugu yeeraan ‘the Fourth Estate’ oo ah garabka afraad ee dawladnimada. Madaxweynihii awooda badnaa ee Maraykanka Nixon waxaa riday saxaafadda.

3. Dalkeena waxaa jira dad midiyo sita oo dadka qalaaya oo leh waxaan nahay dhakhatiir oo badan hase ahaate aan dhakhtarnimo baran. Marka haddii aad aragtaan dad warqad, qalin, mikrofoon, ama kameero sita oo leh wariye baan nahay oo wligood aan dugsi gelin haddii aad aragtaan ha la yaabina. Waxaase loo baahanyahay in la kala saaro XAQIIQADA iyo RA’YIGA. Wax kasta oo la sheego ama la qoro waa in loo hayaa marag haddii usan ahayn Xan. Badanaabad waxa loo yaqaan Tabloid journalism waa warbaahin ay quutaan dadka aan aqontoodu ay sarayn oo ka hadasha dunuubta, xanta, fawaaxishka, ceebaynta iyo wax la mid ah. Warbaahinteenu inta badan waa noocaas.

4. Wariyaha dalalka dib-u-dhacay waa inu ogyahay dadka u la hadlayaa in laga yaabo:
> In aqoontoodu koobantahay?
> In badankoodu ayan wargays iibsan karin?
> In badankoodu ayan baatari radyahooda u gadan Karin?
> In ayan heli karin telefoon iyo computer.

5. Xilka ugu weyn ee saaran wariyaha, waa inu noqdaa muraayadii ay iska arkayeen bulshada iyo dawladu.

6. Wariyaha la yiraahdo Hilary Ng’weno oo reer Kenya ah waxay tiri: “Xilka horyaal wariyayaasha dalalka dib-u-dhacay waa dhaxal u abuurida jiilalka dhalan doona.”

8. Dhaqanka laga rabo wariyayaasha dalalka –dib-u-dhacay waa:
√ In dhaqankooda lagu dan karo,
√ In dareenka dadweynaha ay madaxda dalka gaarsiin karaan,
√ Inay cabiri karaan baahida, welwelka, iyo rajada dadkooda,
√ inay soo jiidan karaan daraeenka dadkooda iyo dawladooda.

9. Wariye la yirahdo Paul Ansah oo reer Nigeria ah wuxu leeyahay, “ “Wariyayaasha dalalka dib-u-dhacay afkaaraha warfaafinta Reer Galbeedka sida ay yihiin uma qaadan karaan.” Taas oo macnahedu yahay in afkaaraha reer Galbeedka mar walba ujeeddo ku lifaaqantahay. Wuxu rabaa Paul Ansah in wariyaasha dalalka dib-u-dhacay:
√ inay sheegaan dadaalka dadkoodu ugu jiro horumarka,
√ inay sheegaan horumarku inusan ahayn u ekaanshaha reer Galbeedka ama dalal kale,
√ inay ka jawbaan beenta dalalkooda laga fidinaayo,
√ inay sheegaan xaqiiqada dhabta ah ee dalalkooda ka jirta.

10. Xogta suuban ee haboon in wariyuhu gudbiyo waxaa ka mid ah:
√ gudashada xilka wadareed ee dadkiisa,
√ dhiirigelinta anshaxa iyo dhaqanka suuban ee dadkiisa,
√ adkaynta midnimada dadkiisa,
√ la dagaalanka takoorka iyo hayb-soocida,
√ dhiirigelinta waxbarshada,
√ kor u qaadka baraaruga caafimaadka,
√ iyo guud-ahaan wararka bulshada nolosheeda kor u qaadaya.

11. Wariyaha dhabta ahi waa kan dadkiisa u soo gudbiya:
√ xog faa’iido leh oo sax ah,
√ warar mudaysan,
√ taclliin munaasib ah,
√ iyo maaweelo nadiif ah.

12.Indhira Gandhi oo noqotay PM India baa tiri:
“Wariyayaasha dalalka dib-u-dhacay qarkood waxay ku daydaan afkaaraha wariyayaasha Reer Galbeedka, waxayna ka warwareegaan ka waranka dhismaha iyo horumarka dalalkooda.”

13. Wariyow ku dadaal inaad soo gudbiso war iyo xog:
√ durid-la’aan ah (fair),
√ xaglin-la’aan ah (objective),
√ dheeli-la’aan ah (balanced).

14. Wariyow waa inaad isweydiisa eray kasta oo aad qorayso ama oranayso faa’iidada ama khasaaraha u dadkaaga iyo dalkaaga u keeni karo. Eeg tusaalooyinka hoos ku qoran oo sheeg waxa ka khaldan:

A. Weertan teeba sax u ah dawladda, teebaase sax u ah Al-Shabaab:
1. Dawlada Soomaaliyeed waxay dafirtay inay xirxirtay dad ka tirsan Al-shabaab oo ay muddo raadinaysay.
2. Dawlada Soomaaliyeed waxay beenisay inay xirxirtay dad ka tirsan Al-shabaab oo ay muddo raadinaysay.

B. Weeraha hoos ku qoran teeba sax u ah wariyaha Africa, teebaase sax u ah wariyaha Reer Galbeedka:
i. Dlalka dib-u-dhacay.
ii. Dalalka soo koraaya.
iii. Dalalka Dunida Seddexaad.
iv. Dalalka aan la horumarin.

c. Kee baa sax u ah wariyaha reer Libya, tee baa sax u ah wariyaha reer Galbeedka:
i. Falaagada Libya.
ii. Mucaaradka libya.
iii. Kacdoonka Libya.

D. Waxaad tahay wariye si toos ah ‘life’ u tabinaya ciyaar kubadeed. Waxaa garoonka fadhiya boqolaal qof oo ciyaarta daawanaya. Waxay indhahaagu qabteen qof dadka ku dhex jira oo doonaya inu qarxiyo bam. Maxaad samayn lahayd?

La soco qaybta seddexaad…..

You must be logged in to post a comment Login