Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday Baxdo + khasaaraha

 

  

DHUUSAMAREEB – Wararka ka imaanaya deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud oo ka mid ah deegaanada hoos taga degmada Cadaado ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku bilawdey ku qaadeen deegaankaasi waxaana qaraxyada ka dib xigey dagaal toos ah oo hadda ka socda deegaanka baxdo.

Wararka ayaa sheegaya in isgaarsiinta ay hawada ka maqantahey islamarkaana dagaalku uu ka socdo dhowr meelood oo ka mid Magaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Shabaabka weerarka soo qaaday la gaarsiiyay khasaare xooggan, iyada oo laga dilay in ka badan 20 dagaalame, waxaana deegaanka Baxdo lagu soo bandhigay meydad fara badan oo ay goobta uga tageen.

Deegaanka Baxdo ayaa qiyaastii illaa 90 KM u jira magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah waxay horay ugu qaadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug oo ay ku wada sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published.