Ciidamada Dowladda ayaa saaka howgal wada jir ah ka wada deegaano hoostaga degmooyinka Matabaan, Maxaas iyo Beledwayne ee Gobolka Hiiraan.

Howlgaladan ayaa waxaa hor kacaya Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad Kor. Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay, waxaana ku wehliya Guddoomiyahah Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Ciidanka Howlgalka wada ayaa saakay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Jiracle oo fariisin u aheyd Al-shabaab sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad Kor. Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay.

Boqolaal kamid ah ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaanno Macawiisleeyda oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saakay lagu arkay deegaanno dhaca waqooyiga Beledweyne.