Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Galmudug oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Baxdo

 

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalka saaka Deegaanka Baxdo ee gobolka Galguduud ku dhexmaray dagaalameyaasha Al-shabaab iyo Ciidamo deegaanka ah oo garabsanaya kuwa Galmudug.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in weerarka lagu dilay 45 kamid ah dagaalameyaasha Al-shabaab, isla markaasna ay ku qabteen rag kale oo ku jiraan shan ajaanib ah.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in ciidamo gurmad ah ay geeyeen deegaanka Baxdo, isla markaasna ay ku raad joogaan raggii weerarka soo qaaday ee baxsaday.

Dadka deegaanka Baxdo ayaa soo bandhigay  gaari la sheegay in ay ka buuxaan waxyaabaha qaraxa, isla markaasna ay ka tageen dagaalameyaasha Al-shabaab.

Dhinaca, ururka Al-shabaab waxaa ay sheegeen in ay dileen 27 ruux oo ay ku sheegeen maleeshiyaad halkaasi isku abaabulayay, dhinacoodana laga dilay 9 kamid ah xubnihii weerarka qaaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.