Koox hubeysan ayaa gordhaw Magaalada Laascaanood ku dishay Maxamed Axmed Aflahaar oo ahaa Guddoomiyahii Xisga UCID ee Gobolka Sool.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in dhalinyaro ku hubeysan bastoolado ay rasaas ku fureen marxuumka, xilli uu ku sugnaa irida gurigiisa.
Kooxdii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamada ammaanka oo wada baaritaano.
Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilka guddoomiyihii xisbiga UCID ee Gobolka Sool Maxamed Axmed.