Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Safiirka Somalia H.E Abdulqadir iyo Qunsulka H.E Dayib oo la kulmay Jaaliyadda London.

 

Kulankaan oo ay si wada jir ah u soo wada qabanqaabiyeen Safaaradda Soomaaliyeed iyo guurtida jaaliyadda london ayay ka soo qeybgaleen ila iyo ilaa 23 xubnood.

.Waxaa kulanka lagu soo dhoweeyey safiirka xurmadle Abdilkadir A kheyr iyo qunsulka xurmadle Dayib M Sh Ahmed.
.kulanka oo lagu furay Aayadaha quraanka Waxaa guddoonku dulmaray waxqabadkii guddiga , waxaana la isla qiray ahmiyadda safaaraddu u leedahay jaaliyadda somaaliyeed ee UK.
.Safirka iyo qunsulka ayaa kelmedoodii iyana halkaa ka soo jeediyey una mahadceliyey guddiga isla markaana soo jeediyey in hawlaha hoyga iyo xafiiska safaaradda la dardargeliyo si loo bilaabo u adeegidda bulshada.
.xubnaha shirka ka soo qeb galay ayaa iyana fekradahoodii iyo talabixintoodii halkaa ka soo jeediyey.

.Go’aano:

-waxaa la isku raacay in la dhiso guddi 21 xubnood ah oo ka kooban qeybaha jaaliyadda ee ahmiyad u leh bixinta tabarucaadka dhaqaalaha arrintani u baahantahay.
. Waxaa la isku raacay in xubnaha guddiga 15ka ah ay noqdaan sidatan:
– Guyrtida 3 xubnood
– Haweenka 3 xubnood
– Dhallinyarada 2 Xub.
– Ganacsatada 3 xub.
– Masaajidada 2 xub.
– Media / TV 2 xub.
– Waxaa kale oo a isku raacay in Guddiga Guurtida iyo Xubnaha bulshada ee arrimahan aqoon gar ah u leh ay guddiga gacan ka sii yaan gudashada xilkooda.
Hawshan hirgelinteedu waxay u taalaa jaaliyadda oo dhan. Sidaa darteed waxaa la isku booriyey inaan dhammaanteen guddiga gacan siino lana shaqeyno.
– waxaa kale oo la isku raacay in xubnaha golahan ku jira ay bilaabaan bixinta tabarucaadkooda sida ugu dhakgsaha badan.Waxaa arrinta fulinteeda iyo dardargelinteeda loo xilsaaray Afhayeenka Guurtida ahna madaxa golahan Suldaan Boqore oo arrinta laf dhabar u ah.
-Waxaa safiirku sheegay in ay “Account” ka soo fureen Dahabshiil Bank. Waxaa la soo jeediyey ka dibna la
isku raacay in “Amal bank” iyo “Salaama Bank” na laga furo “Accounts”.

– waxaa kale oo la isku raacay in:

. la booqdo gobolada UK iyada oo loo kala hormarinayo siday u kala dad badanyahiin. Waxaa hawshaas soo diyaarinaya safiirka.
. lala xidhiidho TV yada , ” media” yaha kale iyo Fanaaniinta somaaliyeed si ay qeyb mug leh uga qaataan tabarucaadka.
.Waxaa kale oo la soo jeediyey in Haweenka si gaar ah loo abaabulo madaama ay yihiin laf dhabarka jaaliyadda.
. Waxaa abwaan Suldaan Ahmed soo jeediyey in uu diyaarinayo riwaayad wacyigelin ah oo dadka ku dhiirigelisa bixinta tabarucaadka.
. Waxaa hoosta laga xariiqay la isku adkeeyo hawsha hore laga bilaabo oo aan waqti dambe innaga lumin.
. Guurtidu isla meesha ayey xubnahooda ku soogudbiyeen ,kuwaasoo kala ah :
1) Gud. Ku xigeenka Mudane yasin Bulsho
2)Afhayeenka suldaan Boqore
3) Amb. Ahmed Sheikh.
. Xubnaha kale ee guddiga waa in sida uga dhakhsaha badan u soo magacaabaan cidda ay khuseyso

Leave a Reply

Your email address will not be published.