Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxaa kasoo baxay kulankii ay yeesheen Deni iyo ku-xigeenkiisa Karaash?

 

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo maanta kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada caasimadda Garoowe.

Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xiran yihiin ayaa looga hadlay xallinta khilaafkii dib uga dhex qarxay labada mas’uul kaas oo saamayn ku yeeshay hay’adaha dowladda.

Siciid Deni ayaa sida wararku sheegayaan bilowgii kulanka ka sheegay in labadoodu isku doon saaran yihiin islamarkaana ay mas’uuliyadeeda wadaagaan wixii ka qaldama dowladda.

Madaxweynuhu wuxu codsaday in khilaafkooda ay si hoose u xallistaan isagoo xusay in uu mar kasta diyaar u yahay xalka si looga gudbo is-marin-waaga taagan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sida la xaqiijjiyay dhankiisa aqbalay codsiga Madaxweynaha ee ku aaddan in khilaafkooda ay iyagu xallistaan waxaana markaas loo gudbay wada-hadal garnaqsi ah.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in qodobka ugu muhiimsan ee maanta laga hadlay uu ahaa sida laga yeelayo saddexdii wasiir ee xilka qaadista uu ku sameeyay Axmed Karaash.

One Response to Maxaa kasoo baxay kulankii ay yeesheen Deni iyo ku-xigeenkiisa Karaash?

Leave a Reply

Your email address will not be published.