Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal u dhaxeeyo Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda oo ka dhacay Gobolka Sh/Hoose.

 

Dagaalamayaal katirsan Alshabaab ayaa xalay waxay weerar dhowr jiho waxay ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dad deegaanka ayaa warinaya in daryanka hubka labada dhinac ay isku adeegsanayeen laga maqlayay deegaano kale oo ku dhaw Bariire.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in uu jiro khasaare soo gaaray labada dhinac ee dagalaamay.

Wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda eek u sugan deegaanka Bariire iyo dagaalamayaasha Alshabaab oo ku saabsan dagaalka xalay dhacay.

Gobolka shabeelada hoose ayaa kamid ah gobolada ay ku xoogan yihiin Alshabaab inkastoo ciidamada dowladda ay xiliyada qaar ay la wareegaan deegaano ay maamulaan Alshabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.