Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

kooxo hubaysan oo Muqdisho ku dilay Nabadoon Cabdi Faniinte.

 

Xili maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ay kusoo badanayeen dilalka qorsheeysan iyo dhaca teleefanadda ayaa waxaa xalay koox hubeysan ay Tabeelaha Sheekh Ibraahim weydoow ku dileen shiikh lagu magacaabo Cabdi faniinte, oo kamid ahaa nabadoonada muqdisho.

Nabadoonka ayaa lagu dilay tabeelaha sheekh ibraahim weydoow waxaana dilka kadib goobta isaga baxsaday Koxoda dilka geystay sida ay kusoo warameen goobjogayaal aynu la hadalnay

Dilka kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya waxaana ay sameeyeen baaritaano kooban wallow aysan cidna usoo qaban dilka.

Nabadoon Cabdi Faniinte ayaa ahaa qof si aad ah looga yaqiinay Magaalada muqdisho iyo gobolka Galgaduud, waxaan dilkiisu uu dhaliyay hadalheeyn badan.

Waa dilkiii labaad oo Muqdisho ka dhaca 24 saac ee lasoo shafay kaa oo geysanayaan kooxo hubaysan.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka mana jirto cid ka hadashay dilka loo geeystay Shiikh Cabdi Faniinte.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.